U bood dhigaalka

Dowladda Ruushka Oo Sheegtay In Ay Hub Ka Iibineyso Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay iney ka iibineyso hub dalka Soomaaliya markii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado sida uu sheegay afhayeen u hadlay Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruusha Sergei Lavrov ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso taageero ay ka hesho dalka Ruushka sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya loona xoojin lahaa ciidamadeeda, Ruusha ayaa dhankiisa sheegay inuu ka fiirsanayo wadashaqeyn militeri oo uu la yeesho Soomaaliya.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa saaray cunaqabateyn dhinca hubka ah Soomaaliya sanadkii 1992dii waxaana cunaqabateyntu timid kadib markii dagaallo sokeeyo ay ka qarxeen dalka waxaa sidoo kale jirta in qeybo ka mid ah dalka ay hadda maamusho xarakada Alshabaab ee gacan saarka la leh Alqaeda.

Burcadbadeeda ka qawleysata xeebaha dalka Soomaaliya ayaa iyaguna Qatar ku ah maraakiibta caalamka tan iyo 2005tii waxaana falalka burcadbadeednimada ah ay inta badan ka dhacaan Gacanka Cadmeed.

Goobjoog News