U bood dhigaalka

Dowladda Sacuudiga Oo Cambaareysay Weerarkii Xarunta Degmada Howlwadaag

Sheeko:Amniga

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Sacuudiga ayaa si kulul waxaa loogu cambaareeyey weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta degmada Howlwadaag.

Waxaa qoraalkan tacsi loogu diray ehlada dadkii ku dhintey qaraxaasi, waxaana sidoo kale caafimaad loogu rajeeyey dadkii dhaawacmay.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay iney kasoo horjeeddo dhammaan noocyada kala duwan ee rabshadaha sida argagaxisada, xagjirnimada iyo wax walbo oo shacab aan waxbo galabsan lagu dhibaateynayo.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaana ay sheegeen iney dileen dad badan oo u shaqeynayey dowladda.

Qaraxii shalay ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag ee Muqdisho waxay waxyeello kasoo gaartay dad u badan shacab.

Goobjoog News