U bood dhigaalka

Dowladda Sacuudiga Oo Walaac Ka Muujisey Qaraxyada Ka Dhaca Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Sacuudiga ayaa aad walaac uga muujisey qaraxyada shacabka waxyeellada u geysta ee ka dhaca magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaraxii Axadii ka dhacay nawaaxiga dekadda Muqdisho.

Kulan ay isugu yimaadeen wasiirada Sacuudiga ayaa waxay ku cambaareeyeen qaraxaasi, waxaana ay ku taliyeen iney aad u haboon tahay in laga hortago weerarada Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay wasiirada Sacuudiya oo saxaafadda uu akhriyey wasiirka warfaafinta dalkaasi Adel Al-Turaifi ayaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay in loo gurmado dadkii waxyeellada gasoo gaartay qaraxii Dekadda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasiirada Sacuudiga isku af garteen in Soomaaliya laga taageero dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Axadii aynu kasoo gudubnay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay nawaaxiga Dekadda magaalada Muqdisho waxaa ku dhintey in ka badan 20 qof oo muruq maal u badan, waxaana mas’uuliyadda qaraxaasi sheegtay Al-shabaab.

Goobjoog News