U bood dhigaalka

Dowladda : Sanadkani Dhamaadkiisa Waxaan Gaari Doonaa Isku Filnaansho Dhaqaale

Sheeko:Dalka

War kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegey in sanadkani dhamaadkiisa ay dowladda gaari doonto isku filnaansho dhaqaale.

Akhris Warkan oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda ayaa 28kii July sheegtay in dakhliga gudaha ka soo xaroodo uu kordhay laba laab (100%) sanadkii la soo dhaafay, taas oo ka damebysay markii ay dadka Soomaaliyeed ay bilaabeen bixinta canshuuraha iyo dowladda Federaalka oo dardargelisay sidii loo kordhin lahaa dakhliga Dowladda.

Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in lacagta gudaha ka soo xaroon jirtay sanadkii hore ay laba laabantay iminka, taas oo horseedi doonta uu dalku gaaro isku filnaasho.

Wasiiru Dowlaha ayaa yiri “Wasaaradda maaliyaddu waxay dhinaca dakhli uruurinta ka sameysay horumar aad u ballaaran, tusaale ahaan horraantii 2014-ka dakhliga gudaha ee dowladda wuxuu ahaa wax ka yar 5 milyan oo dollar bil walba, hadda (2015) wuxuu marayaa 10 malyan bishii.

“Hadafkeenu wuxuu yahay in dakhliga gudaha uu noqdo 15 milyan sida noogu cad miisaaniyadda dowladda, waxaan rajaynayaa in sanadku inta uusan dhammaanin aan isku filnaano oo dakhliga gudaha uu daboolo adeegyada dowladda.”

Wasaaradda maaliyadda ayaa xoojisay hannaanka dakhli uruurinta gudaha, si looga maarmo kaalmada miisaaniyadeed ee ay dowladdu ka hesho dibadda, dhawaan ayay dowladdu sheegtay in la dhimayo mushaaraadka shaqaalaha si la isagu filneysiiyo dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha.

Goobjoog News