U bood dhigaalka

Dowladda Seychelles Oo Dacwad Ku Oogtay 5 Nin Oo Burcad-Badeed Soomaaliyeed Ah.

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee Jasiiradda Seychelles ayaa xukunno ku ridday shan nin oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo iyadoo raggaan ay ku wareejiyeen Seychelles Midowga Yurub bishii April sida ciidanka boliisku sheegay Talaadadii.

Raggaan la tuhunsan yahay ayaa waxaa u  soo gacan-geliyey dowladda Seychelles hawlgalka Midowga Yurub 26-bishii April kaddib markii ay qabteen Maraakiibta Midowga Yurub. Ragga la tuhunsan yahay ayaa loo soo gudbiyey Seychelles iyadoo la raacayo heshiiska isku gudbinta ee ka dhaxeeya Seychelles iyo Midowga Yurub Waxayna markii ugu horreeysay kasoo muuqdeen maxkamadda maalintii Isniinta oo taariikhdu ahayd April 29.

Boliisku waxay sheegeen in dhammaan dadkaan oo ah 5 qof inay maxkamadda kasoo muuqan doonaan. Mid ka mid ah burcad-badeedda ayaa la xiray loona soo gudbiyey  Seychelles bishii November 2017.

Seychelles oo ah Jasiirad ku taalla galbeedka badweynta India waxay juquraafi ahaan u dhawdahay xeebaha Soomaaliya waxayna dagaal kula jirtaa burcad-badeedda tan iyo sannadkii 2005. Seychelles ayaa la dagaalanka Burcad-badeedda kala shaqeyso saaxiibbada caalamka si loo xiro oo loo ciqaabo burcad-badeedda Soomaaliyeed.