U bood dhigaalka

Dowladda Shiinaha Oo $1.5 Milyan Ku Wareejisay DFS

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxay dowladda shiinaha kala wareegtay $1.5 Milyan, waxaana lacagtaasi loogu talogalay in wax loogu qabto dadka ay saameyeen fataahadaha dalka ka jira.

Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Axmed Ciise Cawad ayaa lacagtan kala wareegay safiirka dowladda shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Lacagtan ayaa ahayd mid ay horey dowladda Shiinaha u ballanqaadday si loogu gurmado shacabka ku dhibban gobollada dalka qaarkood.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, iyadoo ay jiraan dowlado kale oo ballanqaaday gurmad loo fidyo shacabka ay saameyeen fatahaadaha.

Wabiyada Jubba iyo Shabelle ayaa ku fatahay qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo kumanaan qoys ay ka barakaceen deegaannadooda.

Goobjoog News