U bood dhigaalka

Dowladda Shiinaha Oo Dayactir Ku Sameyn Doonta Biyo Mareennada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cismaan Yariisow iyo saraakiil ka socotay dowladda Shiinaha ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa biyo mareennada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aan muddo shaqeyn.

Yariisow ayaa saraakiishan waxa uu si aad ah ugala hadlay sida ugu haboon ee ay suurtagal ku noqon karto arrintaan.

Waxyaabaha sidoo kale laga wadahadlay ayaa waxaa ka mid ah sidii dib loogu dayactiri lahaa Tuulada ciyaaradaha ee Muqdisho iyo golaha murtida iyo madadaallada (Tiyaatarka Qaranka).

Kulankaan ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar C/risaaq Xuseen, waxaana uu faah faahiyey waxyaabihii laga wadahadlay.

“Ulajeedka ayaa ahaa sidii wax looga qaban lahaa fatahaada uu roobka sameeyo, in dib loo habeeyo meelihii ay biyuhu marijireen, taasi oo muhiim u ah maamulka gobolka Banaadir, sidoo kale waxaa laga wadhadlay horumarinta korontada ee magaalada, waxaa laga wadahadlay mashaariicda kale ee dowladda Shiinaha ka sameeneyso Muqdisho, sidii loo dayactiri lahaa tiyaatarkii qaranka iyo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho” ayuu yiri xoghayaha.

Xilliyada ay magaalada ka da’aan roobabka ayaa waxaa biyo fariista waddooyinka ugu muhiimsan ee Muqdisho, kuwaasi oo saameeyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Goobjoog News