U bood dhigaalka

Dowladda Shiinaha Oo Dib Usoo Celinaysa Mashaariicdii Ay Ka Waday Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaasha dowladaha Somalia iyo Shiinaha ayaa isku raacay in dib loo soo celiyo mashaariicdii uu Shiinaha ka waday Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Johannesburg ee dalka South Africa, kaaso oo arrimo badan oo looga hadlay.

Kulankan taariikhiga ah ayaa Labada hoggaamiye waxay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka Labada dal, iyo in si buuxda loo soo celiyo mashaariicdii horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Shiinaha uu ka wadey Soomaaliya.

Madaxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

‘’Soomaaliya si xawli ay yay uga soo kabaneysaa dhibaatooyinkii dagaalka sokeeye. Waxaan haatan u gudubnay marxalad cusub oo ah dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga. Waxaan doonayaa in Shiinaha iyo Soomaaliya ay dib u soo ceshtaan iskaashigooda taariikhiga ah, maalgashiga aan Soomaaliya u dooneynana ay Shiinaha qeyb ka noqdaan. Waxaan kuu xaqiijinayaa in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u soo dhoweyneyso maalgashiga Shiinaha, inagoo diyaar u ah inaan dhinacyo badan iska kaashano’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka muuqda ee Soomaaliya ee dhinaca nabadgelyada iyo dowlad dhisidda, waxaana uu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, lana joogo waqtigii la sii xoojin lahaa.

Hoggaamiyaha Shiinaha waxaa uu intaa ku darey in khubarro ay u soo diri doonaan Soomaaliya si ay daraasad ugu sameeyaan barnaamijyada ay labada dal iska kaashan karaan.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotey labada dal.

Goobjoog News