U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya Iyo Imaaraadka  Oo Diiday Inay Ka Hadlaan Saldhigga Militari Ee Berbera, Akhriso Qodobbada Heshiiska

Sheeko:Dalka

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sadex(3) bil gudahood waxaa uu ku guuleystay heshiis 30 sano iyo mid kale oo 25 sano ah in ay kula wareegaan dekadda iyo airportiga magaalada Berbera, heshiiska hore waxaa gashay shirkadda DP Dubai halka dowladda Imaaraadka ay saldhig militari ka sameysan doonto gagida diyaaradaha ee Berbera.

Marka laga hadlaayo qaanuunka dowliga ah(International law), Somaliland wali ma haysato aqoonsi caalami ah, sidaasi darteed Imaaraadka kuma dhiirran karo in uu maamulkaas la galo heshiis hal dhinac ah, haddii ay Imaaraadka sidaa sameeyaan, oo dowladda federaalka ah ay dhinac mareen waxaa arrinkaasi ka dhalan karto cawaaqib xumo.

Innaggoo dhawraynna mas’uuliyadda naga saaran dalka iyo dadka, ilaalinayna xaqa koox ama shakhsiga u leeyahay in uu hadlo iyo inay shacabkeena Soomaaliyeed ogaadaan xaqiiqda jirta ayaa la xiriirnay Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye, labadaba waxaa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan heshiisyada Imaaraadka uu ku wareegay dekadda iyo Airportiga Berbera.

Dowladda Federaalka ah Iyo Imaaraadka, waxaa ay jawaab bixinta diidayaan saacado kadib markii madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu shalay sheegay sida ay warfaafinta xorta ah xaq ugu leedahay la xisaabtan hey’adaha dowladda.

Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonnaa qodobbada ku jiray heshiisyada ay kala saxiixdeen Somaliland iyo dhanka Imaaraadkan Carabta, waxaana dowladda federaalka ah looga fadhiyaa in ay ka hadlaan sida ay wax uga ogyihiin heshiisyadan, Haddii kale, waxaa la isweydiin doonaa dowladda  federaalka Ma iska Aamustay mise waa la aamusiyay?!!

Hadaba heshiisyada Imaaraadka, Maxay Kala Yihiin:

(1): Heshiiska Saldhigga Militari Ee Airportiga Berbera:

Heshiiska ay Imaaraadka kula wareegeen Airportiga Berbera, waxaa uu ka kooban yahay ilaa dhowr iyo toban qodob, waxaa ka mid ah:

  1. In Imaaraadka Carabta dhul Laga Siiyo Somaliland iyaggoo si buuxda u maamul doona.
  2. Dhulka dowladda Imaaraadka ay saldhig militari ka sameysan doonto waa Airportiga Berbera, Jihada waqooyi gaar ahaan dhanka badda, In loo ogolaado in ay dib-u-dhis iyo casriyeyn ku sameeyaan dhabbaha diyaaradaha, iyo guud ahaanba garoonka Magaalada Berbera.
  3. Heshiiskan waxaa uu socon doonaa 25 sano, kadib waxaa dhulka iyo saldhiggaba la wareegaya Somaliland.
  4. Somaliland, waxaa ay dhulka ku bixineysaa qaar kiro ah, dalka Imaaraadkan waxaa uu bixinayaa mashaariic horumarineed, Mashaariicda waxa la soo marinayaa, fulinteedana ka mas’uul ah Hay’adda (Abu-dhebi Fund), oo u qaabilsan UAE fulinta mashaariicda horumarineed.
  5. Muddada Heshiiska lagu guda jiro, Saldhiggan waxaa isticmaali kara oo kaliya dalka Imaaraadka Carabta, loomana isticmaali karo wax ka baxsan heshiiska.
  6. Heshiiska waxaa ku jira in Somaliland loo hirgelin doono mashaariic ay ku jiraan dhismaha waddada isku xirta Berbera iyo Wajaale, In dhisme casri ah laga hirgelliyo Aiportiga Berbera iyo mashaariic kale oo dhanka waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo tammarta ah.
  7. Heshiiska waxaa uu dhigayaa in Imaaraadka ay shaqo abuur u sameyn doonaan shacabka Somaliland muddada 25-ka sano ee ay joogaan, shirkadaha Imaaraadka oo maalgeshi ku sameyn doona Somaliland, waxaa kaloo la fududeyn doonaa safaradda Somaliland ay ku tagayaan Imaaraadka.
  8. Imaaraadka waxaa ay difaaci doonaan biyaha Somaliland, iyaggoo ka hortagi doona kallumeysiga sharci darrada ah iyo burcad badeedka ah, iskaashiga dhibaatada ka dhalata cimillada iyo ka hortagga la dagaalanka xaalufinta.
  9. Imaaaraadka waxaa ay ilaalin doonaan qalabka hadda yaalla Airportiga, waxaa ay ka fogaan doonaan faragelinta Somaliland iyo madaxbanaanideeda.
  10. Imaaraadka Mas’uul kama aha, haddii Saldhigga Militari ay ka dhalato musiibo dabiici ah oo deegaanka iyo dadka waxyeello u geysata.
  11. Haddii khilaaf soo kala dhexgalo labada dhinac, marka hore 30 maalmood ayaa la siiyay in lagu xallliyo, haddii wax lagu qaban waayo, waxaa ay isla aadi doonaan London International Arbitration, heshiiskan waa laga laaban karaa, haddii dhinac uu diido waxaa la aadayaa sidoo kale Maxkamadda London.
  12. Joojinta Heshiiska iyo Waxa Ka Dhallan Kara (Termination and Consequences): B) Labada dhinac ee heshiiskani ka dhaxeeyaa waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka baxaan Heshiiskan, hadii dhinac gudan-waayo waajibkiisa, sida Heshiisku uu dhigayo. (T) Labada dhinac, waxa ay xaq u leeyihiin in ay adeegsadaan Xeerarka Caalamiga ah ee London Court of International Arbitration (LCIA), si ay u helaan wixii magdhow ah ee ay ku dacwoodaan.

Maamulka Somaliland waxaa uu sidoo kale heshiis la galay shirkadda DP World, lama oga sidoo kale in heshiiskaasi ay dowladda federaalka ah wax ka ogtahay iyo in kale.

(2): Hehiiska Somaliland iyo DP World Oo Ku Saabsan Dekadda Berbera

Waxaa sidoo kale helnay nuqul ka mid ah heshiiska ay wada galeen maamulka Somaliland iyo DP World taas oo dekada maamuli doonta 30-ka sano ee soo socota.

Qodobbada Hehiiskaan waxaa ka mid ahaa:

  1. Shirkadda DP World oo laga leedahay Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaa qarash-gareen doontaa ilaa $10 million oo qalab ah si loo dhiso dekadda, waxaa intaa dheer ilaa $5 million oo Kaash ah.
  2. Shirkaddan Imaaraadka waxaa ay gacanta ku heyn doontaa ilaa 65% halka maamulka Somaliland ay lahaan doonto ilaa 35%.
  3. 35% la siiyay maamulka Somaliland, waxaa ay toos u leeyihiin ilaa 25%  halka ilaa 10% ay la wareegi doonaan marka ay ka iibsadaan shirkadda DP World.
  4. DP World waxaa ay sheegtay in mashruucan illaa $442 million oo qarash gareyn doono iyagoo wax badan ku soo kordhin doona dekadda Berbera.
  5. Xagga shaqaalaha ka shaqeeya dekadda Berbera waxaa heshiiska ku qoran in shirkadda DP World ay shaqaaleyn doonto inta ay u aragto in ay anfacayaan oo waxtarka leh halka inta kale ay ku wareejin doonaan Somaliland.
  6. Shirkadda DP World wax cashuur ah lagama rabo 10-ka sano ee ugu horeysa, waxaa kaloo 50% laga cafin doonaa 5ta sano ee xigta.

Ugu dameyntii, waxaa muhiim ah in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay shacabka Soomaaliyeed u sharaxdo waxa ay ka ogtahay labadab heshiis, haddii kale waxaan ka shaki doonnaa in la aamusiyay oo wax badan ay qarinayaan, shakigaasina ma foga in uu isku badalo mid dhab ah.

W/Q: Cabdi Casis Axmed Gurbiye,

Email: [email protected]