U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Ma Xakameyn Karto Hubkeeda, Suuqyada Ayaa Lagu iibiyaa, UN-ka

Sheeko:Amniga

Warbixin dheer oo ay soo saareen Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG) ayaa lagu sheegay in hubka soo gala Soomaaliya loo adeegsado qaab siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Muqdisho ka qaado cunaqabateynta hubka mustaqbalka dhow.

Warbixintan waxaa ku jirta in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale.

Qoraalkan, waxaa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya aaney u hoggaansamin cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayey xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay dowladda keensato, waxaa ay diiday Villa Somalia inay Qaramada Midoobey arkaan meelaha hubka yaalaan, iyada oo la ogaaday in hubka ay dowladuu leedahay suuqyada u iib-geeyaan saraakiil ciidamada ah(kuwoo hoose iyo kowoo sare), mas’uulyiin xukuumadda ka tirsan.

 Hubka oo lala baxo, iibintiisa gaar ahaan kuwa keydan sida nooca RPG-7, waxaa ay caqabad ku tahay xasiloonida siyaasadeed, taasi oo sii adkeyneysa qeybinta iyo dusinta hubka ay aad ugu sareyso gudaha Soomaaliya.

Hubka Ay Dowladdu Heshay: 20,000

Sida ku qoran warbixinta SEMG, dowladda Soomaaliya waxaa ay heshay ilaa 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7, waxaa kale oo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay dowladda Soomaaliya inay hesho kadib markii laga qafiifiyey cunaqatabeynta hubka iyo midka rasmiga ah ee ay heystaan ciidamada xoogga dalka.

Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha 7” la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May 2018, waxaa sidoo kale loo diiday SEMG inay soo arkaan.

Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa ku jirta in hub ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta u galeen ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Qoraalka UN-ka waxaa ku jirtay oo kale, in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay gudaha Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen ama ay aheyd inay yaalaan bakhaarada ciidamada dowladda.

Ugu dambeyntii, Qoraalkan UN-ka,  waxaa lagu sheegay in hubka dowladda Soomaaliya ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado, oo aaney xakameyn Karin, waxaa ay tusaale usoo qaateen wixii ka dhacay xerada Gordon, oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000.

Goobjoog News