U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Bilaawday Soo Daad-gureynta Muwaadiniinta Ku Xaniban Dalalka Caalamka

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday in ay dalka dibaddiisa ka soo daadguraysato muwaadiniinteeda in ka badan muddo bil uga xayirnaa howlaha socdaal joojinta la xiriirta la dagaalanka iyo xakamaynta xanuunka Karoona feyrus, iyadoo Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ay ugu baaqday dadka soo guryo-noqonaya in ay u hoggaansamaan tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka B\bulshada.

Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay shalay oo Khamiis aheyd in 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya la soo daadgureeyay, si nabad ahna ay ku kala gaareen gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee caasimadda muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bedqabkooda caafimaad si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 1,594 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 204 ruux oo bogsatay iyo 61 ruux oo u geeriyootay.

Goobjoog News