U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Dil Wadareedkii Ka Dhacay Galkacyo

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow cambaareysay dil wadareed xalay ka dhacay duleedka Galkacyo halkaasi oo lagu dilay 9 qof oo ka soo-jeeda koonfur galbeed.

Wasiirka warfaafinta DF Maxamuud Maareeye oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “ Waxaan cambaareyneynaa, aad uga xunnahay,  ficil aan la aqbali karin ah dhacdada dilka lagu laayey dad aan waxba galabsan magaalada Galkacyo iyo kuwii ka horeeyey ee dad shacab ah lagu dilay ee ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb, ficiladaas ayaan dowlad ahaan ka xunnahay, oo cambaareyneyaa, waa ficilo kala geynaya umadda Soomaaliyeed, waa ficillo aan sharci islaam iyo mid banii’aadam kala nool aanu ku dhaqmin, oo kala geynaya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu balanqaadeen in la baaro, Maareeye waxaa uu yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, inakoo kaa shaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inakoo kaa shaneynaa oday dhaqameedyada, inakoo kaa shaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed  in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”.

Goobjoog News