U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii Ceel-Cadde

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku dhaleeceysay weerarkii Jimcihii Al-shabaab ka qaadeen saldhigga AMISOM ee Ceel-Cadde.

Dowladda waxaa ay sheegtay in xanuunka ay la qeybsaneyso shacabka iyo xukuumadda Kenya, wiilashaas iyo gabdhahaas waxay naftooda u hureen soo celinta rajada iyo xasiloonida Soomaaliya ayaa inta lagu daray.

Dowladda federaalka ayaa u tacsiyeeysay askartii halkaas ku dhintay iyadoo ku celcelisay in aan la iloobi doonin.

Villa Soomaaliya waxaa kaloo ay warsaxaafadeedkeeda ku balanqaaday in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Al-shabaab iyadoo kashaneysa Ciidanka AMISOM.

Ugu dambeyn dowladda waxaa ay dhibaatadaas ku tilmaantay in ay ka jirto caalamka oo dhan sida weerarii ka dhacay Paris, Istanbul, Jakarta iyo Ougadugo.

Goobjoog News