U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii Lagu Dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxii maanta ka dhacay gobolka Mudug, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka ee maamulka Puntland  Axmed Muuse Nuur , dowladda ayaana  cambaareysay  qaraxaasi

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayay magaca dowladda ayaa sheegay in ay Murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaan shacabka Magaalada Gaalkacyo ee maanta weerarka lala beegsaday  oo waxyeeladu ka soo gaartay.

Wasiirka  Maareeye  ayaa xusay si kulul u cambaareeyaan  weerarkaas uu ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo  lagu dilay gudoomiyihiii gobolka Mudug Allaha u naxariisto Axmed Muuse Nuur yare iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ku dhaqnaa woqooyiga magaalada Gaalkacyo sida lagu xusay qoraal ka soo baxay wasiirka Warfaafinta.

                                                                      Halkaan ka Akhriso

Goobjoog News