U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Dib U Eegis Ku Samayneysa Qandaraas Lala Galay Shirkad Kalluumeysi ah

Sheeko:Dalka

kalluunSii Hayaha wasiirka kheyraadka Maxamed Coloow Baroow ayaa warqad cabasho ah u qorey shirkadda Fishguard Somalia oo horey dowladda Soomaaliya ay ula saxiixatay qandaraas 15 sano ah oo ay ku maamuleyso kalluumeysiga Soomaaliya.

Sida uu faafiyey wargeyska Bloomberg ee dalka Mareykanka kaasi oo heley nuqul ka mid ah warqadda, waxa uu wasiirka sheegey in kunturaada ay tahay mid aanan ku saleysneyn cadaalad, islamarkaasina shirkadda Fishguard siinaya awoodo xad dhaaf ah iyo waqti dheer oo aanan macquul ahayn.

Waxa uu wasiirka soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska si loo waafajiyo sharciga kheyraadka dalka ee uu bishii Oktoobar meel mariyey baarlamaanka Soomaaliya.

Waxyaabaha uu wasiirka farta ku fiiqayo ayaa waxaa ka mid ah in qandaraaska aysan ku cadeyn waxyaabaha ay shirkadda u qabanayso Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd tabobarka ciidamo illaaliya kalluumeysiga sharci darada ah, bixinta qalab iyo gaadiid, iyo waliba qalabeybta kalluumeysada Soomaalida.

Heshiiska ayaa waxaa shirkadani la saxiixdey wasiirkii hore ee kheyraadka Cabdirisaaq Cumar Maxamed 25-tii bishii Luuliyo 2013-kii, waxyaabaha heshiiska ku jirana waxaa ka mid ah in shirkadani ay samayso ciidamo xeebaha Soomaaliya ka illaaliya kalluumeysiga sharci darada ah.

Waxaa shirkada iska leh labo nin oo horey oga mid ahaan jirey askarta Britain oo lagu kala magacaabo Simon Falkner iyo David Walker, waxayna shirkadda ka diiwaagashantahay dalka jasiiradda Murishis ee Afrika ku taala.

Markii wargeyska uu maamulayaasha shirkadani weeydiiyey waxa ay kaga jawaabayaan cabashada wasiirka, ayaa waxa ay sheegeen in ay sugayaan inta ay ka shaqo galeyso xukuumadda Cumar Cabdirishiid, kadibna iyada la macaamilayaan.

Wasiirka Maxamed Coloow kama uusan jawaabin emailo iyo taleefoono loo direy, balse afayeenka xukuumadda waqtigeeda dhamaaday Ridhwaan Xaaji Cabdi Wali ayaa sheegey in dowladda ay dib u eegeyso dhamaan qandaraasyadii horey loo saxiixey, balse waa uu ka gaabsaday in uu si gaar ah oga hadlo shirkadani.

Qandaraaskani waxa uu ka midyahay 9 kale oo gudiga isku dhafka ah ee maamulka maaliyadda Soomaaliya uu soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo, qaarkood gabi ahaanba la joojiyo kadib markii ay soo baxeen daldaloolo waaweyn oo heshiisyada ay leeyihiin.

Goobjoog News