U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Dib Udhis Ku Sameynaysa Isbitaalka Xoogga Qaranka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u dhis lagu samaeynayo Isbitaalka Xooga Qaranka kaas oo ku burburay dagaaladii dalka  soo maaray inta lagu guda jiro sanadkan 2019 ka.

Isbitaalka oo ku fadhiya dhul aad u baaxad weyn ayaa waxaa hadda ciidamada lagu daweeyaa qeyb ka mid ah oo dayactir lagu sameeyay taas oo ah 20% marka loo eego dhismaha  ka kooban yahay  iyo dhulka uu ku fadhiyo Isbitaalka Xoogga Qaranka.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Sasan Maxamed Cali (Amar danbe) oo booqday isbitaalka ayaa sheegay in sanadkaan 2019ka guud ahaan la dhisi doono isbitaalka waxa uuna sheegay in lala kaashanayo hay’ado caalamiya.

“ kadib markii annaga aan meel waliba u galnay waxaa aan rajeynaynaa iney noo suura gasho inaan  dhisno Isbitaal ay isticmaali doonaan ciidamada Xoogga Qaranka Soomaaliyeed”

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in dhismaha  hadda lagu shaqeeyo  ay tahay qeyb yar oo isbitaalka oo ay dayactirtay dowladda Taliyaaniga , lakiin waxa uu xusay in baahida ciidanka ayna ku filneyn qeybtaan.

“ Marka aan ka hadleyno Dhismaha Isbitaalka Xooga Qaran, qeybtaan waa kumeel gaar inta hadda dhisan waxaa nagu taageeray AU da Taliyaaniga,  waxana qalabeeyaya Madaxwynaha”

Dhanka kale wasiirka wasaaradda Gaashaandigga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhismaha lagu samaynayo Isbitaalka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney taageeraal dhismaha Isbitaalka Xoogga Qaranka xoolahooda iyo xoogoodaba ay ku taageeraan dhismaha”