U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Gargaar Gaarsiisay Degmada Buulo Burde Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka
Hey’adda Gargaarka iyo maareynta dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta garagaar gurmad Bani’adannimo ah waxaa ay gaarsiisay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, kuwas oo dhowaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Gargarka ayaa waxaa ay hey’addu ay gaarsiisay degmada Buulo Burde, taas oo muddo u go’doonsaneyd Al-shabaab, inta aan kacdoon gobolka ka kacay looga saarin, gobolka Hiiraan ayaa kamid ah gobollada ay sida weyn u saamaysay abaarta baahsan ee ku dhufatay dalka, taas oo si guud dadka iyo duunyo u saamaysay.
“Ayada oo la fulinayo amarkii Ra’iisal wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ee shalay oo ahaa in gargaar dag dag ah lala gaaro deegaanada laga xoreeyay kooxaha argagixisada ah, ayaa hey’adda Maareynta Musiibooyinka waxaa ay gargaar raashin ah u dirtay magaaladda Buula-burde. Gargaarkaan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hey’adda maareynta musiibooyinka.
Dowladda federaka aya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay gargaar kale duwan ay geynaysay goobaha ay ka jiraan abaaraha iyo sidoo kale goobaha ay ciidanka dowladda ay kala wareegeen Al-shabaab, deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa horey dowladdu waxaa ay u gaarsiisay gargaar kale duwan.
Goobjoog News