U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Hakisay Duulimaadyadii Gudaha iyo Dibadda Dalka

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday in gabi ahaan si rasmi ah loo joojiyey duulimaadyada caalamiga ah ee imaanayey  iyo kuwa ka baxayo dalka  si gaar ah  garoonka Aadan Cade ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sababo la xariira xanuunka Corona virus, oo kiis ka mid ah laga helay gudaha qof ka yimid dibadda.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa ku dhawaaqay  in la joojiyey duulimaadyadii caalamiga ahaa laga bilaabo 18-03/2020-ka .

Wasiirka ayaa sheegay in kulan deg deg ah oo golaha wasiirada xukuumaada federaalka Soomaaliya ay isugu yimaadeen si looga hadlo xaaladda soo korortay ee la xariirta hadalkii ka soo yeeray wasaaradda caafimaadka oo la xariiray shaacinta kiiskii ugu horeeyey oo la helay waxaana hadalkiisa ka mid ahaa wasiirka duulista hawada.

“Maanta oo taarriikhdu tahay 16-03-2020-ka  Dowladda Soomaaliya si ay uga hortagto una xakamayso inuu xanuunka Coronavirus uu faafo ayaa waxaa ay joojisay guud ahaan duulimaadyada caalamiga ah ee wadanka yimada ama ka baxo laga  bilaabo dhamaadka 18-ka bisha March 2020-ka saqda dhexe  muddo 15 cisho ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyada la joojiyey uusan saameyn doonin arrimaha qaarkood sida xaalada gaarka ah iyo arrimaha Bani’aadanimada , waxaana uu intaas ku daray in xayiraaddu ay saaran tahay wadanka oo  dhan.

Waxaa dowladdu ogolaansho gaar ah siin doontaa haddii Allah uu ka raali noqdo duulimaadyada la xiriira Bani’aadanimada iyo xaalado gaar ah, insha allah waxaan Illaah ka rajeynaynaa inuu cudurkaan naga badbaadiyo dhammaanteen xayiraaduna waxaa ay saaran tahay wadanka Soomaaliya dhammaantiis” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka ka soo yeeray wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ayaa imanaya iyadoo  waxyar ka hor wasiirka wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur shaacisay in qof Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa laga helay Cudurka Coronavirus, kaasi oo kal horey ay karantiishay Wasaaradda caafimaadka  dalka.

Goobjoog News