U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gaartay shirkad shidaalka baarta

Sheeko:War

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay shirkad shidaal oo laga leeyahay dalka  Imaaraadka Carabta.

Shirkadda ay dowladda heshiiska la gashay oo lugu magacaaba Mubadala,ayaa  la sheegay inay ku wanagsan-tahay sahminta shidalka iyo hubiinta goobaha shidaalka uu ku jiro.

Heshiiska cusub oo ah mid saddex geesood ah ayaa wuxuu  u dhaxeeya dowladaha Imaaradka Carabta, Soomaaliya iyo shirkadda Mubadala,waxaana la sheegay in ay isku af-garteen in shirkadda ay qayb ka qaadato sidii loo sahmin lahaa goobaha shidaalka ceegaago  ee Soomaaliya iyo in ay ka qayb qaadato qorshaha qodista haddii shidaal helo.

Wasiirka macdanta iyo shidaalka xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar ayaa sheegay in dhinacyadu sidoo kale ku heshiiyen wadaagga xogaha ku saabsan shidaalka iyo macdanta Soomaaliya.

Musabbeh Al-Kaabi, oo ka mid ah madaxda shirkadda Mubadala, ayaa sheegay in heshiiskaan muhiimka ah uu qayb ka cayaari doono naqshadeynta xog is dhaafsi ku saabsan qaabkii magaalada Abu Dhabi ay ku maalgalisay waaxda shidaalka oo ay ku gaartay halka ay maanta joogto.

Al-Kaabi, ayaa inta ku daray shirkadda shidaalka ee Mubadala ay billaabi doonto xiriir qoto dheer oo ay la yeelaneyso wasaaradda macdanta iyo shidaalka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Tuhunka laga qabo in shidaal ku jiro dalka Soomaaliya ayaa sabab u noqda in dowladaha dalka soo mara ay heshiis-yo la galan shirakado ka shaqeeya arrimaha shidaal barista.

Wararka Goobjoog