U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Heshiis La Gashay Shirkad Caalami ah Si Kheyraadkeeda U ilaaliso

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Petroolka ee Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkadda IMMMA Advocates, si ay kala taliso sharciyada ku aadan Kheyraad ama Waxsoo saar qeybsi u dhaxeeya dowladda iyo shirkadaha kale.

Soomaaliya waxaa arrintaas xulashada dowladda gacan ku siiyay African Legal Support Facility (ALSF) oo ah laan ka tirsan African Development Bank oo muhiimadeedu tahay in dalalka Afrika ku gacansiiyaan wixii talo iyo tusaale ah oo arrimhan Wax soo saar qeybsi la xiriira.

Dowladd Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaddan laga doortay ilaa 5 shirkadood oo u soo tartantay howshan latalinta, waxaa sidoo kale October 15-keedii isku soo haray 3 Shirkad.

Shirakadaha ayaa waxaa ay kala ahaayeen: IMMMA Advocates – DLA Piper Group (Dar Es Salam), Clyde & Co LLP iyo Watson Farley & Williams LLP.

Dowladda Soomaaliya ayaa intaa raacisay in ay ugu dambeyntii ku guuleysatay shirkadda, IMMMA Advocates kadib markii laga helay dhamaan shuruudihii dowladda ay u baahneyd.

Wasiirka Petroolka dowladda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Ibraahim waxaa uu sheegay in heshiikaas uu ku cadanayo wax ay kala leeyihiin Shirkadda shidaalka ka qodoaya Soomaaliya iyo Kheyraadka ay leedahay dowladda.

Goobjoog News

Mawduucyada:Shidaal