U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Digtay Duufaanta Ayaxa

Sheeko:Dalka

Wasaaradda beeraha dowladda federaalka ayaa ka digtay Ayax mar kale ku dagi kara qeyba ka mida dhulka Soomaaliyeed ka dib dhibaato uu cayayaankaasi ku hayay dhul fara badan.

Wasiirka wasaaraddaasi Siciid Xuseen Ciid oo la hadlay BBC kuna dhawaaqay xaalad deg deg ah ayaa sheegay in Ayaxu uu ka yimaado dhulka saxaraha ah iyo qeybo ka mida dalka Yeman islamarkaana ay haatan soo saaren digniino lagu wajahayo Ayaxaasi.

wasiirka oo ka hadlayay halka uu ka yimid Ayaxan ayaa yiri “waxa uu ka imaanaya saxaraha carbeed oo ka soo galaya xeebaha bariga Soomaaliya”

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in cabsida Ayaxa ay keenayso xilli roobaadka soo aadan isaga oo sheegay in degmooyin 10 gaaraya uu markii hore ku fiday cayayaankaasi.

“Waxaa keenay dhibaatadii oo aad u soo badanaysa iyo cabsi weyn oo laga qabo xilliga roobka oo soo aadan in korokorooyin cusub ay ku habsadaan Soomaaliya marka runahaantii culeyskaas aad ayuu soo badanayaaa” ayuu yiri wasiir Siciid

Dhanka kale wasiir Siciid Xuseen Ciid ayaa ka dhawaajiyay in ay diyaariyeen dad ka shaqeeya sidii loola tacaali lahaa Ayaxa, waxa uuna xusay in qalab aan badnayn iyo wacyigalin ay sameeyeen.

“Annagu ilaa 14 degmo oo Ayaxu markii horay maray ayaan shaqo ka bilawnay dad baan u tababarnay sidii loola tacaali lahaa Ayaxa qalab aan badanayn oo gacanta ah waan siinay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka beeraha XFS.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa ku baaqay in loo diyaargaroobo ka hortag dhulka iyo circa ah oo ku aadan duufaanta Ayaxa ee la filayo bilaha 3-ad iyo 4-aad.

“Waxaan baaqaan u soo saarnay sidii loogu diyaar garoobi lahaa in la sameeyo ka hortag dhulka iyo cirka ah loona diyaargaroobo dufaanta Ayaxa ee la filayo bilaha 3-aad iyo 4-aad” ayuu ku baaqay Wasiir Siciid Xuseen Ciid.

Cayayaankaan ayaa la tilmaamaa in saacadiiba uu jari karo masaafo gaaraysa 150km.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalada dalka ayuu ku habsaday Ayaxan waxaana walaac ka muujiyay beeralayda iyo xoola dhaqatada Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada