U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ka Tacsiyadeysay Geerida Agaasimihii Madbacadda Qaranka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo dhamaan Madaxda Wasaaradda Warfaafingta ayaa si wada jir ah uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Axmed Faarax Gaatamow oo ahaa Agaasimaha Madbacadda Qaranka oo xalay maqribkii Muqdisho ugu geeriyooday wadno xanuun.

Wasiir Maareeya ayaa guud ahaan bahda saxaafadda iyo ehelada uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuum Axmed Faarax Gaatamow oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta, kuwaasi oo kala ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka SONNA iyo Agaasimaha Madbacadda Qaranka.

Allaha u naxariistee Marxuum Agaasime Gaatamow waxa uu ahaa shaqsi howlkar ah oo in muddo ah ku soo dhex jiray Warbaahinta, waxaana uu culuumta saxaafadda ka bartay Jaamacadda Muqdisho.

Goobjoog News