Dowladda Soomaaliya oo Ka Tacsiyeysay Geerida Drs Xaawo Cabdi
Sheeko:Caafimaadka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid allah unaxariistee Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe, oo maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho, kadib xanuun ku soo booday habeenimadii xalay.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabadda, geerida ku timid Allaha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi oo kamid aheyd dhqaatiirtii dalka ka soo shaqeeyey mudadii burburka wax badanna kasoo qabatay xalay.
Halkaan Ka Akhriso
Goobjoog News