U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Ku Baaqday In Xiisadda Qatar Iyo Dowladaha Kale Lagu Dhameeyo Wadahadal iyo is faham, Qeybna Ka Noqon Doonto Xalka

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dhibaatada ka jirta Khaliijka iyo sida xalka looga gaari karo.

Villa Somalia waxaa ay ku baaqday in wada hadal wax lagu dhameeyo: “Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka”.

Dowladda federaalka oo sida muuqata dhex-dhexaad ka noqotay xiisadda ka socota Khaliidka ee wadamo badan oo carab ah xiriirka ugu jareen Qatar ayaa sidoo kale soo jeedisay in ay qeyb ka noqon doonto xalka.

Akhriso, Qoraalka Dowladda Federaalka ah:

dowladda