U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday In Maalinta Bari Aysan Ciid Aheyn

Sheeko:Dalka

Dowladda  Soomaaliya ayaa caawa ku dhowaaqday in maalinimada barito ay tahay maalinta ugu dambayso bisha Ramadaan lana ciidi doono maalinimada Axadda ay tahay 1-da Shawaal oo ku aadan 24-5-2020-ka.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta xuluumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay markii baaritaan laga sameeyey gudaha dalka aan la helin bisha sidaas darteena bari ay tahay Ramadaan.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa xaqiijin qotodheer ka dib in berri oo Sabti ah aanay ahayn Ciid; sidaas darteed waxaa la dhamaystiraynaa Bisha Ramadaan” ayuu yiri Wasiir Sheekh Nuur.

Dowlada Islaamka ayaa dhankooda caawa ku dhawaaqay inaan la arag bilashada bisha Shawaal sidaas darteedna ay bari tahay maalinta 30-aad ee Bisha ramadaan, wadamada Sacuudiga, Turkiga  Indonesia, Malaysia, Philippines iyo Singapore ayaa dhammaantood isku raacay inaan maalinimada la ciidi doonin sida ay baahiyeen warbaahintooda.

Goobjoog News