U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Maanta Dib u Fureysa Duulimaadyada Caalamiga ah.

Sheeko:Caafimaadka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u fureysa duulimaadyada caalamiga ah, kuwaas oo xirnaa in ka badan afar bil, sababo la xariiray xanuunka Coronavirus.

Arrintaan ayaa imaanaysa kadib markii dib loo furay duulimaadyada gudaha horaantii bisha July ee tagtay,Heyadda ayaana sheegtay in ay jiraan shuruuc loo dejiyey duulimaadyada caalamiga ah

Garoonka Aadan Cadde ayaa la filayaa in ay soo gaaraan diyaaradaho laga leeyahay wadamada Turkiga Qatar Uganda iyo Itoobiya, kuwaas oo kamida diyaarada caalamiga ah ee ka duuli jiray garoonka.

Goobjoog News