U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Mamnuucday Shirarka Ka Dhaca Kenya.

Sheeko:Dalka, War

Muranka xudduud badeedka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa qaaday waddo kale oo cusub kaddib markii Muqdisho ay ka mamnuucday saraakiisha dowladda inay ka qeybgalaan shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo ay Nairobi martigeliso si ay u muujiso sida ay uga xun tahay xayiraaddii loogu diiday inay galaan dalka Kenya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale u qabatay bil ururrada aan dowliga ahayn ee ka hawlgala Soomaaliya inay u soo raraan xarumahooda magaalada Muqdisho ama laga mamnuuci doono inay ka shaqeeyaan Soomaaliya.

Tillaabadaan ay Soomaaliya qaadday ayaa timid markii saddex mas’uul oo Soomaaliyeed oo u safrayey Kenya si ay uga qeybgalaan shirka midowga Yurub oo ka dhici lahaa magaalada Nairobi loo diiday visaha dal-ku-galka iyagoo wata basaboorka diblomaasiga.

“Iyadoo ay jiraan arrimihii la xiriiray Nairobi, Kenya, Wasaaraddu ma awoodi doonto inay ka qeybgasho dhammaan shirarka qorsheysan iyo kuwa dhici doonaba sida Workshopska, Siminaarrada iyo tababarrada lagu qaban doono Nairobi waxayna ku talineysaa in shirarkaas lagu qabto dalka Soomaaliya gudihiisa ama dal kale oo fududeynaya safarka,” ayuu yiri agaasime General Cabdullaahi Xaashi Cali.

Go’aanka Soomaaliya ay qaadatay ayaa macnihiisu yahay in saraakiisha Soomaaliyeed aysan ka qeybgali doonin shirka UN Habitat kaasoo ka dhacaya Magaalada Nairobi Isniinta, shirkaan oo uu furi lahaa madaxweyne Uhuru Kenyatta. Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in NGO kasta ee wali ka hawlgalaya Nairobi laga mamnuuci doono inuu Soomaaliya ka shaqeeyo.

Amarkaan cusub ee kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta ayaa sida muuqata muujinaya sida uu uga sii darayo muran badeedka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Usbuucii hore dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay qoraal cabasho ah Kenya oo ku saabsan in xarig iyo musaafuris loo geystay saraakiil Soomaaliyeed oo qeyb ka ahaa wafdi Nairobi shir uga qeybgali lahaa markii loo diiday Visaha dal-ku-galka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in tillaabada Kenya ay dhaawacayso xiriirka derisnimo ee ka dhaxeeya labada dal isagoo intaas ku daray in xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya uu sii  jiri doono.

Wasiir Cawad ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay ka fiirsato tillaabooyinka keeni kara saameynta xun una hoggaansanto xiriirka muddada dheer soo jiray ee u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale nidaamka diblomaasiyadeed iyo kan isqaddarin.

Saraakiisha laanta socdaalka ee Kenya ayaa sheegay in wasiirro iyo xidhibaanno ka socday dowladda Soomaaliya oo aan Visa kasoo qaadan safaaradda Kenya ee Muqdisho sida sharciga cusub uu tilmaamayo loo diiday gudaha dalka Kenya. Wafdiga oo qaarkood watay baasaboorro qalaad oo loo ogolaaday Kenya ayaa diiday shir midowga Yurub ay ku qabanayeen xafiiska UNka ee Gigiri galabnimadii Talaadada. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa ka gaabsatay inay ka faallooto tillaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Soomaaliya qaadday.

Muranka labada dalka ayaa cirka isku shareeray kaddib markii ay Soomaaliya dacwad uga gudbisay Kenya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ). Horraantii bishaan Kenya ayaa amar ka soo-saartay dhammaan diyaaradaha ka imaanaya magaalada Muqdisho inay sii maraan magaalada Wajeer si baaritaan loogu sameeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diiday heshiis ka baxsan maxkamadda ICJ sida ay Kenya codsatay isagoo taas beddelkeed doortay in la sugo go’aanka ay murankaan ka gaarto ICJ.