U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Mishaarka Ciidanka Ku Bixin Doonta Waqtigii Loogu Talogalay

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso in mishaaraadka ciidamada dowladda ay ku bixin doonto waqtigii loogotalagay iyo weliba si joogta ah.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aden Ibrahim waxaa uu sheegayaa in xukuumadda ay ku talo jirto sidii loo heli lahaa qaab si dhaqso ah ay ciidamka ugu helayaan mishaaraadkooda.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in la daryeelo ciidamada qalabka sida, isagoo ammaanay dagaallada ay ku jiraan ee lasgu sugayo ammaanka iyo xasiloonida dalka.

Wasiirka Gashaadhigga  Cabdulkadir Sh. Ali Diiniayaa isna sheegay in ciidamada qlabaka sida haddii mishaaraad joogta ah  ay si fiican uga howlgeli doonaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Goobjoog News