U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Muddo 2 Maalin Ah Dib U Fasaxday Duulimaadyada Caalamiga Ah

Sheeko:Dalka

War qoraala oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in muddo 2 maalin ah dib loo fasaxay duulimaadyadii caalamiga ahaa oo dhowaan dowladdu xayiraaddu ku soo rogtay, sababa la xiriira in uusan faafin cudurka Coronavirus.

Qoraalka oo ay soo saartay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa waxaa lagu caddeeyay in muddo 2 maalin ah la fasaxay duulimaadyada caalamiga ah si loo soo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoomada caalamka, waxaana dowladdu sheegtay in duulimaadyadaasi ay ka soo degi doonaan garoomo cayiman.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee soo mara waddamada uu saameeyay cudurka Coronvirus ay u hoggaasamaan awaamiirta wasaaradda caafimaadka.

Ugu dambeyn qoraalka waxaa lagu shaaciyay in muddada labada maalin ah ka dib la joojin doono duulimaadayda caalamiga ah islamarkaana dalka aan la soo galin Karin xamuul aan ka ahayn dawo iyo raashin.

16-kii bishan ayaa kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus waxaa laga helay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay isla maalinkaas in muddo 2 todobaad ah la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa.

Halkan ka akhriso qoraalka ay soo saartay dowladdu

No photo description available.

Goobjoog News