U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo qeylo dhaan ka soo saartay xaalada nololeed ee degmada Tiyeegloow

Sheeko:War
barakac
Qoys kamid ah qoysaska danyarta ay saameysay xaaladaha adag ee la soo darsay.

Guddoomiyaha degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in loo istaago wax ka qabashada Xaaladda Nololeed ee Shacabka dagmadaasi oo aad u liidata.

Degmada Tiyeegloow oo ka mid ah degmooyinka xarakada Al-Shabaab ay ka joogaan Gobolka Bakool waxaa ka jira abaaro iyo biyo la’aan saameyn ku yeelatay Nolosha dadka iyo duunyada dagmadaasi.

Guddoomiyaha Degmadaasi oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladdu ay xil iska saarto wax ka qabashada xaaladda dadkaasi, isaga oo sheegay in tallaabada ugu horeysa ee dowladda laga sugayo ay tahay in gacanta dowladda lagu soo celiyo Degmadaaasi.

Dhowaan Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay suura gelisay gargaaar Bini’aadanimo in la geeyo degmooyinka Xudur, Waajid,Rab-dhuurre iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool. Hay’ado ka tirsan qaramada midoobey ayaa iyana kol hore deeqo raashin u badan gaarsiiyay deegaano hoos yimaada gobolka Baay, iyagoo adeegsanaya diyaarado toos u tagay Waajid.

Guddoomiyaha degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa dibad joog ka ah degmadaasi oo ay maamulaan xarakada Al-shabaab.