U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo rajo ka muujisay mira dhalka wada hadallada ay kula jirto Somaliland (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

WadahadalDowladda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in natiijo wax ku ool ah ay kasoo baxaan wada hadalka ay kula jirto maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu ka hadlayay wada hadalkaasi waxa uu sheegay in hadda rajada mira dhalka wada hadalkaan ay wanaagsan tahay, islamarkaana wax walba u baahan yihiin in si tartiib ah loo wajaho.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha in Labada dhinac ay xilli walba wada hadlaan, islamarkaana qaab muuqdo hadii aan loo wada hadal ay u wada hadlaan qaab aan muuqan.

“Wada hadalada ma taagneen wey socdeen, laakiin waad taqaanaan marka la galayo, waxa laga hadlayo waa mustqabalka qaran dhan, howl ku carar ah ma ahan, heer muuqaal ah hadii aysan ku socon waxay ku socdaan heer aan muuqaal ahayn, anagu waan ku rajo badannahay weli, wadahadalada meel horumar leh ayeey soo gaareen, hadda qaabka wada hadalka ayaa dib loo qaabeeyay, xoghayn joogta aha ayaa la sameeyay oo saldhigooda yahay Istanbul, wada hadalku wuu socdaa, orod iyo deg degsiimo naguma jirto”

Dowladda Soomaaliya ayaa wada hadal kula jirto maamulka Somaliland, waxaana hotay Labada dhinac ay u yeesheen kulamo arimo badan looga hadlay.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News