U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo safiirkeeda u fadhiya Marekanka u magacawday Cumar C/rashiid

Sheeko:War

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka,Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa noqonaya safiirka dowladda Soomaaliya u fadhisanaya dalka Marekanka,sida ay baahiyen qar ka mid ah warbaahinta.

Warkan ayaa waxaa lugu sheegay in Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dowladda madaxweyne,Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee KMG ahayd ka ahaa ra’iisal wasaare uu si rasmi ah u fadhisan doonno safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Cumar C/rashiid waxaa la sheegay in maanta oo Jimco uu la shiri doonno xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, halka maalinta Isniinta ah ee soo socotana uu la kulmi doono madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Dowladda Marekanka ayaa la sheegay inay soo dhaweysay magacaabidda Cumar C/rashiid,waxaana la sheegay inuu ka shaqeyn doonno xoojinta xiriirka u muuqanayan halka ugu wanagsana inuu marayo ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Marekanka.

Cumar C/rashiid ayaa Obama kula shiri doonna aqalka cad ee looga arrimiyo dalka,waxuuna u gudbin doonna waraaqihiisa safirnimo iyo dhan-baal uu ka wado madaxweynaha Soomaaliya oo isagu magaacabay.

Kulanka labada dhinac sidoo kale,waxaa lugu soo qaadi doonna xaaladda Soomaaliya iyo sida ay dowladda Marekanka ugu saacidi korto Soomaaliya ka gudbida marxalada adag ee u dalku ku jiro mudda dheer.

Cumar C/rashiid waxaa uu noqonaya safiirka sida rasmiga ah dowladda Soomaaliya ugu qaabilsan arrimaha Marekanka muddo laga joogo 25 sanno kaddib.

Dowladda Marekanka ayaa iyadu xilli hore shaacisay dhawaan in la soo magacaabi doonno safiirka rasmiga ah ee dowladda Marekanka ujoogayo Soomaaliya,kaaso fadhisanaya magaalada Muqdisho.

Is-dhafsiga safiirada ee labada dal ayaa la sheegay inuu ka dhigaya mid hagaajinayo wada-shaqeynta iyo taageerada ay dowladda Soomaaliya ka heli karto Marekanka.

Warkan dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin,balse waxaa la sheegay Cumar C/rashiid inuu u arkay madaxweynaha Soomaaliya qof isku soo dhaweyn kara xiriirka Marekanka kala dhexeya Soomaaliya.

Cumar C/rashiid waa siyaasi ka soo jeeda dhulka Puntland,waxaa dhalay aabe allaaha u naxaris magac ku dhex-leh Soomaalida soona noqday madaxweyne iyo ra’iisal wasaare.

Waxuu uu isna Cumar Soomaaliya ka soo noqday ra’iisal wasaare ,kaddib dowlad lugu soo dhisay dalka Jabuuti,waxaana la sheegay inuu xilka ka tagay markii uu khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweynihii waqtiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed.