U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Sarkaal Sare Oo Al Shabaab Ka Tirsanaa Ku Dishay Duleedka Janaale

Sheeko:Amniga

War ka soo baxay dowladda federaalaka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sarkaal sare oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Al shabaab ay ciidanka xoogga dalka ku dileen nawaaxiga magaalada Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose, sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Sareeyo guuto; Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in weerar ka dhacay nawaaxiga Jannaale lagu dilay, Muxyidiin Sheekh Cabdi (Al-anzaari) oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Jannaale iyo Aw-dheegle iyo Laba kale oo uu sheegay in ay dib ka baahin doonaan Magacyadooda.

Taliyaha oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howl-galka  uu ka dhacay degaanno ku dhow-dhow Jannaale, islamarkaana ay sii wadi doonaan si buu yiri aan Al shabaab uga saarno deegaanada kale ee gacantooda ku jira.

Ma jirto wax wara oo ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadlayaan in sarkaal sare oo lagu magacaabo Sheekh Cabdi (Al-anzaari) oo iyaga ka tirsan lagu dilay duleedka deegaanka Janaale.

16-kii bishan ciidanka dowladda ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ay in muddo ah ka arrimin jireen dagaalamayaasha Al shabaab, waxaana ciidanka dowladda ay doonayaan in ay isku fidiyaan qeybaha kale ee gobalka Shabeelaha hoose.

Goobjoog News