U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Waqtiga Duuliimaadyada Caalamiga ah Dib loo Furayo

Sheeko:Caafimaadka

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay waqiga dib loo furayo duulimaadyada caalamiga ah kuwaas oo hakad galay kadib markii dunida uu kala xiray xanuunka safmarka ah ee COVID-19, kaas caalamka fara ba,an ku haayo.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka  Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay sedexda bisha soo aadan ee August 2020-ka dib loo furi doono duulimaadyada caalamiga ah ee dalka.

Duulimaadyada caalamiga ah ayaa istaagay 19-kii bishii March, kadib markii dalka laga diiwaan geliyey kiisas dhowr ah oo la xariiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, kaas oo dunida kala xiray isku socodka dadyowga caalamka.

Goobjoog News