U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Ay Howlgal Qorsheysan Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Al Shabaab

Sheeko:Amniga

War ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidaamada sida gaarka ah u tababaran ay howlgal qorsheysan ku dileen dagaalamayaal ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab.

Howlagalka oo la tilmaamay in uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan yaa dowladdu waxa ay sheegatay in ilaa iyo 8 dagaalame ay weerarkaasi ku dileen, sida uu sheegay Generaal Saalax Yacquub oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa xusay in ciidamo horin ah ay fuliyeen howlgalkaasi waxa uuna tilmaamay in weerarkaasi uu si gaara uga dhacay meel qiyaastii 27km kaga began magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Saraakiisha ciidanka ee howgalkan hoggaaminaysay ayaa waxa ay sheegeen in weerarka ujeedadiisa la gaaray.

Wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay Al shabaab oo ay kaga hadlayaan in dowladda federaalka ay dagaalamayaal uga dishay qeybo ka mid ah gobalkaasi Hiiraan.

Goobjoog News