U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Ay Waddo Qorshe Lagu Dhimayo Dadka Barakacyaasha Ah

Sheeko:Dalka

Shirka wadatashiga barakacyaasha iyo qaxootiga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb-galay dhammaan guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale joogay wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dadka barakacyaasha ah kuwaasi oo ku nool duleedka magaalada iyaga oo laga dhageysanayey talooyinkooda ku aaddan sida xal loogu heli karo barakacayaasha iyo in ay ka baxaan nolosha ay hadda ku nool yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Enjineer Cabdiraxmaan Yariisow oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolka uu qaadayo tallaabo walba oo nolol loogu heli karo dadka barakaca ku ah duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu tilmaamay in dadkan aysan heysan amni, hooy wanaagsan iyo sidoo kale waxyaabaha asaasiga u ah nolosha waxa uuna yiri:

“Gobolka Banaadir waxa uu diyaar u yahay in kaalin hoggaamiyadeed uu ka qaato barakacyaasha hadda waxa ay degan yihiin waa gobolkan, dowladda Fedaralka ah waxaan ka rabnaa wixii siyaasad iyo Istiraatiijiyadda qaranka oo dhan in iyada ay mas’uul ka noqoto”.

Dhanka kale wasiirka  Howlaha Guud ee dowladda Soomaaliya Saadaq ayaa sheegay in ay qayb  ka qaadanayaan sidii dibudejin loogu sameyn lahaa dadka barakacyaasha ah.

“Wasaaradda waxa ay qaadaneysaa kaalinteeda kaga aaddan arrinta caawinta dadka, waxaan kala qayb-qaadaneynaa maamulka gobolka Banaadir dibudejinta dadka barakacyaasha ah”.

Kulankan looga hadlayey arrimaha barakacyaasha ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ay jiraan dad kireystay guryahooda ku yaalla magaalada Muqdisho ka dibna degay duleedka magaalada si ay u badiyaan dadka barakacyaasha ah.

Goobjoog News