U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Hadda Ka Dib Muqdisho Lagu Baari Doono Cudurka Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta uu si rasmi ah u shaqo bilaabay sheybaarka dhexe ee qaranka kaasi oo hadda wixii ka dambeeya lagu baari doono dadka looga shakiyo in ay qabaan xanuunka COVID-19 oo markii hore dalka dibadiisa lagu soo baari jiray.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in markii hore ay ku dhib qabeen dadka ay uga shiyaan Corona balse haatan wixii ka dambeeya ay iyagu si toos ah u baari doonaan waxa ayna intaas ku dartay in sidii lagu heli lahaa qalabkaan ay juhdi dheer ku bixiyeen.

Sidoo kale Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegtay in ay muhiim ahayd qalabkaan helitaankiisa maadaama dad badan aan loo diri Karin dibadda dheecaanadooda si loo baaro, waxaana ay hadalkeeda kuu sii dirtay in sheybaarkaan uu gali doono maalmo tijaabo ah si hey’adda caafimaadka aduunka ay u xaqiijiso in sheybaarkaan uu nqoon doono mid la hubiyay oo ku guuleystay tijaabo la marsiin doono.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay in laga helay kiisas Coronavirus ah oo gaaraya 7, waxaana 2 kamid ah laga helay Soomaaliland.

Halkan ka dhageyso codka wasiirka caafimaadka Soomaaliya

Goobjoog News