U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Shixnad Gar gaar ah Kala Wareegtay Hay,addaha UNHCR iyo WHO

Sheeko:Caafimaadka

Diyaaraddaan ayaa sidday shixnad gargaar ah oo ka koobneyd 22.5 tan oo ah agabka fatahaaddaha sida teendhooyin,maro kaneeco,maacuun Iyo kuwa kale oo muhiim u ah dadka ka barakacay goobaha ay ku dhufteen fatahaadaha ,daadadkii ka dhashay roobabkii ma hiigaanka ahaa ee ka da,ay deegaanno ka tirsan gobolada dalka iyo hal-tan oo ah qalabka looga hortago cudurka safmareenka ah ee karoona Fetus,Waxaana Dowladda Soomaaliya ay agabkaan ka heshay Hay,adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNCHR iyo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka gargaarka Iyo maareynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay hay,addaha kasoo jawaabay gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaddaha Iyo daadadkii ka dhashay roobabkii da,ay kuwaasi oo waxyeelo ugeysay dadka danyarta ah .

“Waxaan uga mahadcelineynaa Haya’ddaha kasoo jawaabay baaqeynaa ee ahaa in loo gargaaro dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay fatahaaddii wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyo sidoo kale roobabkii mahiigaanka ahaa ka da’ay qeybo ka mid ah gobolada dalka kuwaasi oo waxyeelo u geystay dadka danyarta..ayuu yiri wasiirka Gargaar Xamsa Saciid xamsa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda gargaarka iyo Maareeynta masiibooyinka xukumadda federaalka soomaaliya Cabdirishiid Maxamuud Xasan ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ka akdhaw fatahaadda Iyo inay illaaliyaan nadaafadda iyagoo raacaya fariimaha Caafimaadka ee cudurka covid -19.

“Dadka soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan meelaha wabiga uu fatahaadda uu kawada iyo sidoo kale inay illaaliyaan nadaafada iyagoo qaadanayo fariimaha wacyigalinta uga imaanaya bahada caafimaadka ee looga hortagayo cudurk karoona ee saameyn ku haayda dalka “Sidaas waxaa yiri wasiir Cabdirishiid Maxamuud xasan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineyso sidii loo samata bixin lahaa dadkii ay saameeyn roobaabki mahiigaan ahaa ee ka da,ay qaar ka mid ah gobolada dalka iyo fatahaaddihii wabiyada shabeele iyo jubba ay ku dhufteen  daagaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolada dalka.

Goobjoog News