U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Si Ku Meel Gaar Ah U Joojisay Duulimaadyada Dalka Gudahiisa Ah

Sheeko:Dalka

Qoraal goor dhow ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyay duulimaadyada dalka gudahiisa ah laga bilaabo dhamaadka maalinto berito ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 29-ka Maarso, si loo xakameeyo faafidda xanuunka Coronavirus.

Sidoo kale wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa ka dhawaajisay in dhamaan xakameyntii lagu sameeyay duulimaadyada caalamiga ah in ay sii socon doonaan ilaa dowladdu ay go’aan kale ka gaareyso.

Waxaa sidoo kale diyaaradaha dalka gudahiisa ku kala daabulaya xamuulada iskugu jira daawada iyo raashinka la farayaa in ka hor 24-saac ay codsigooda soo gudbiyaan, sida lagu sheegay qoraalkan.

Ugu dambeyn waxaa dadka ka shaqeeya diyaaraha loogu baaqay in ay qaataan awaamiirta uga imaanaysa wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Halkan ka akhriso qoraalka.

Goobjoog News