U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Howlgalladii Ugu Dambeeyay Ee Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa waxaa ay warsaxaafadeed kasoo saartay howlgal ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen dhulka buuraha Camal oo hoos yimaada deegaanka Halgan, oo qiyaastii ay u jiraan 20km, waxaana lagu xusay wasaxaafadeedka in 5 ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgalka ayaa waxaa fuliyay guudata 5-aad ee qeybta 27-aad.

Dowladda ayaa waxaa sidoo kale ay ka hadashay howlgal ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka fuliyeen deegaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay wakaaladda qaranka, ayaa  sheegay in dagaalka lagu dilay 75 kamid ah Al-shabaab.

Taliya ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in gacanta lagu dhigay tiro maxaabiix ah, sida uu hadalka u dhigay, howlgalka ayaa wali socda iyadoo ciidamada Xoogga Dalka ay ku sii siqayaan deegaano horleh oo Al Shabaab ay ku sugnaayeen,  Dowladda Soomaaliya waxay soo bandhigay hub isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culus oo ay sheegtay in laga furtay Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan iyaga oo la wareegay deegaanno badan oo dhaca bariga iyo galbeedka gobolka, ciidanka ayaa taageero ka helaya dadka deegaanka, kuwaas oo iskood isku abaabulay oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan xoogagga Al-shabaab.