U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Qaraxyadii Lagu Qaaday Hoteelada

Sheeko:Dalka

Saraakiil u hadashay dowladda Soomaaliya ayaa sheegey in illaa 7 ka mid ah dagaalyahanadii weerarada soo qaaday ay dileen ciidamada dowladda, islamarkaasina ay soo afkareen weerarada.

Goobtii ay wax ka dhaceen ayaa waxaa xalay booqdey wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed kaasi oo soo indha indheeyey sidii ay meesha wax iga dhaceen iyo qasaaraha dhashay.

Wasiirka Amniga waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay isdajiyaan oo ay xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga, si looga hortago falalka ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Waxaa wehliyey qaar ka mid ah wasiirro kale oo dowladda ka tirsan sida wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo taliyaha nabbad sugidda qaranka Col. Cabdiraxmaan tuuryare.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in mas’uuliyiin dowladeed oo deganaa hoteelada laga badbaadiyey qaraxa , iyada oo ciidamada ONKOD loo yaqaano ee dowladda ay ka qeybqaateen hawlgalka samotobixinta.

Sida ay Goobjoog u sheegeen mas’uuliyiinta isbitaalka Madina, waxaa halkaasi la geeyey 15 dhaawacyo ah, taasi oo qasaaraha dhacay ka dhigaysa 7 dhimasho ah oo dhanka kooxihii soo weeraray, 2 qof oo rayid ah iyo 15 dhaawac ah oo rayid u badan.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada oo dhacay maqribkii markii afurka loo fadhiyey, laguna qaaday labada hoteel eek ala ah Siyaad iyo Weheliye.

Goobjoog News

Raisulwasaare Cumar Cabdirishiid wasirka amniga