U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Xaqiijisay Kiiskii Ugu Horeeyay ee Coronavirus

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in gudaha dalka uu soo gaaray xanuunka Coronavirus ee addunka ku sii faafaya.

Wasiirka ayaa sheegtay in ay xaqiijiyeen in qofkii ugu horeeyay laga helay caabuqa Coronavirus waxaana wasaaraddu ay sheegtay in qofkaasi uu ahaa shaqsi ka yimid dalalka uu caabuqa ka jiro baaritaan lagu sameeyayna laga helay maanta.

“Maanta oo taariiqdu tahay 16-ka bisha waxaan xaqiijinay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa Coronavirus sidaad la socotaan waxaa jira muwaadiniin oo dibadda ka timid oo lagu haayay ayraboorka dhexdiisa si loo hubiyo caafimaadkooda maadaama ay ka yimaadeen meelo uu aad iyo aad uga jiray caabuqan, waxaa laga qaaday baaritaan saakay ayaa jawaabtii naloo keenay  hal qof ayaa cudurkii qaba” ayey tiri wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

Dhinaca kale Fowsiyo Abiikar ayaa tilmaamtay in dadkan la karaantiilay oo uu ku jiro shaqsiga maanta laga helay cudurka Coronvirus ay dhamaantood yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Muddooyinkii dambe ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa ay walaac ka qabeen in xanuunka Coronavirus uu dalka soo gaaro taasi oo maanta dhacday.

Goobjoog News