U bood dhigaalka

Dowladda Sudan oo Ciidamo Milatari ah Soo Dhoobtay Xadka Itoobiya

Sheeko:Caalamka

Dowladda Sudan ayaa Malitarigeeda waxaa ay ku daabushay xuduudda bari ee magaalada Al-Fashaqa, oo ay la wadaagto wadanka Itoobiya, halkaas oo lagu dilay askar Sudanese  ah , sida ay warisay wakaaladda wararka dalkaas.

Wakaaladda waxaa ay warisay in la dilay afar askari, halka dhaawac loo geystay 27 kale, mana jirto cid kale oo xaqiijisay sheegasha Sudan, goobtaan ayaa xuduud la leh gobolka Tigray  oo ay shaqaaqo ka taagan tahay.

Ra’iisulwasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok, oo toddobaadkii tegay booqday Addis Ababa ee  ayaa dhiggiisa Ra’iisalwasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed kala hadlay calaameynta xuduudda labada waddan u dhaxeysa,

“Ciidamada Sudan waxay kusii siqayaan jiidda hore ee Al-Fashaqa si ay dib ugu qabsadaan dhulka la xaday, islamarkaana fariisimo uga dhigtaan khadadka caalamiga ah,” waxaa sidaas tiri wakaaladda wararka SUNA .

Milatariga Sudan ayaa sidoo kale Shaaciyey in habeenimadii talaadada ee todobaadkii hore ay ciidanka soo weerareen maleeshiyaad Itoobiya ah, kuwaas oo kugnaa xadka labada dal sida ay baahiyeen ciidamada.

Wadanka Sudan ayaa dhowaan waxaa uu marti geliyey kumaan qoxooti Itoobiya ah, kuwaas oo ka firxaday shaqaada gobolka Tigray oo ay ku dagaalameen xoogga TPLF iyo ciidamada dowladda federalka Itoobiya.

Goobjoog News