U bood dhigaalka

Dowladda Sweden Oo Ka Qeybqaadan Doonta Dhismaha Ciidanka K/galbeed

Sheeko:Dalka

Saraakiil ka socotay ciidanka Booliiska Sweden ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxay kulan kula qaateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed oo ay ka wada hadleen arrimo u badan dib u habeynta ciidanka Booliiska maamulkaasi.

Kulankaan oo socday ku dhowaad saacad ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii ay dowladda Sweden ay kaalin xooggan uga qaadan lahayd dhismaha, tayeenta iyo qalabeynta Booliiska K/galbeed.

Markii uu kulanka soo dhammaaday waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Maria oo ka tirsan saraakiisha Booliiska Sweden iyo ku simaha madaxweynaha K/galbeed Maxamed Xasan Fiqi.

Fiqi ayaa ugu horreyn u mahadceliyey dowladda Sweden, waxaana uu ka dalbaday in maamulkooda laga taageero dhismaha ciidamada Booliiska gaarka ah ee K/galbeed.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ku saabsan dhismayaal saldhigyo oo gaaraya 3 oo laga dhiso magaalooyin kala duwan oo K/galbeed ah, waxaan wafdiga siinnay warbixinno arrimaha amniga ku saabsan, waxaan ka codsannay in Booliiskeenna naloosiiyo tobabar dheeraad ah oo intaan ka sarreeya, waxaana rajeyneynaa in la teyeen doono Booliiska K/galbeed”

Maria oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa u ballanqaadey K/galbeed sidii ay kaalin uga qaadin lahaayeen dib u dhiska iyo tayeenta ciidamada Booliiska K/galbeed.

Goobjoog News