U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga Oo Shaqadii Ka Joojisay 9-kun Oo Sarkaal

Sheeko:Dalka

Madaxda amniga dowladda Turkiga ayaa waxay shaqo joojin ku sameeyeen in ka badan 9 kun oo sargaal kuwaas oo lagu eedeeyay inay wadashaqeyn ay laleeyihiin ninka lagu magacaabo Fatxullaahi Gowlan, kaasi oo ku sugan waddanka Maraykanka.

Saraakiisha Turkiga ayaa waxay sheegeen in tallaabadaani lagu ilaalinayo ammaanka waddanka, madaxweynaha Turkiga Recep Dayib ayaa ku eedeeyay ninka Fatxullaahi inuu yahay maskaxdii ka dambeysay afgambigii fashilmay ee ka dhacay waddanka Turkiga, kaasi oo ka dhacay bishii Juun ee sanadkii 2016-kii.

Madaxda Turkiga ayaa af-gambiga ka dib waxay xirxireen dad gaaraya 1000 qof kuwaas oo looga shakiyay inay gacan saar ay laleeyihiin Fatxullaahi,waxaana Turkiga laga bilaabay olole lagu xirxirayo dadka taageersan ninkaasi.

Arrinta ku saabsan beegsiga taageerayaasha Fatxullaahi ayaa waxay qalqal galisay codsigii uu Turkiga u banadhigay Yurub oo ahaa inuu dalkiisa uu ku biiri wadamada midowga Yurub.