U bood dhigaalka

Dowladda Uganda Oo Ciidamo Cusub Usoo Daabushay Soomaaliya (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Dowladda Uganda ayaa magaalada Muqdisho waxay kasoo dejisay ciidamo cusub oo dalkeeda ah kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

War kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidankaan ay yihiin kuwo si aad ah uga diyaarsan kuwii hore, sidoo kalena ay ka howlgali doonaan gobolka Shabellaha Hoose.

Waxay buuxin doonaan ciidankaan kaalinta ciidan kale oo dalka muddo Sanad ah ku sugnaa, kana qeybqaadanayey nabadda Soomaaliya.

Dolwadda Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana askarta ka joogta tiradooda lagu sheegay 6,700 oo askari.

Brig. Sam Okiding oo ah taliyaha ciidanka Uganda ee howlgalka AMISOM wuxuu sheegay in guutadan la keenay ay yihiin kuwo diyaarsan ayna ku haminayaan in guullo muhiim ah ay ka keenaa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Tani ayaa imaanaysa xilli Xarakada Al-shabaab ay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, waxayna dhowr jeer ay galeen xerooyin ay ciidankaan kaga sugan yihiin gobollada dalka.

A4 A3 A2 A1

Goobjoog News