U bood dhigaalka

Dowladda: “Waa In Degdeg Loo Dhameystiraa Xildhibaannada Hirshabeelle”

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in meel wanaagsan ay marayso howsha maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe taasoo ka socota magaalada Jowhar.

Ergada ayaa ansixisay calankii maamulka, magaca oo laga dhigay Hirshabeelle, dastuurka islamarkaana waxaa u dhiman dhaarinta xildhibaannada oo iyana waqti aan fogeyn la filayo inay ku qabsoonto hoolka shirarka magaalada Jowhar.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inay si degdeg ah ku soo dhameystiraan xildhibaannada maamulka Hirshabeelle.

Guddiga maamul u sameynta labada gobol ayaa horey u sheegay in maalinta sabtida ah ee taariikhdu ku beegan tahay 8-da bishaan in la dhaariyo xildhibaannada maamulka.

“Duubabka dhaqanka waa inay soo dhameystiraan xildhibaannada maamulka Hirshabeelle si iyagoo dhameystiran loo dhaariyo” ayay tiri wasaaradda arrimaha gudaha.

Dhanka kale, magaalada Jowhar ayaa waxaa ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo ay ka qeyb galayaan wakiillada ka kala socda dowladda federaalka iyo urur  goboleedka IGAD kuwaasoo looga arrinsanayo dhameystirka howlaha socda.

15-ka bishaan oo ku beegan todobaadka soo socda ayaa qorshaha uu yahay in ay dhacdo doorashada madaxtinimada ee maamulka Hirshabeelle.

Howlaha ka socda magaalada Jowhar ayaa waxay ku soo aadayaan iyadoo weli magaalada Baladweyne ay ku sugan yihiin duubab dhaqan oo diidan qaabka iyo hannaanka loo marayo maamul u sameynta kuwaasoo dalbanaya qaarkood in gogosha la geeyo magaalada Baladweyne.

Goobjoog News