U bood dhigaalka

“Dowladda Waa In Ay Buuxisaa Seddexda Caloolood ee Ciidamada Si Loo Xaqiijiyo Ammaanka”

Sheeko:Dalka

Dhawaanahan waxaa soo baxayay warar sheegaya in dagaalyahanada Alshabaab ay la wareegayeen deegaano horey looga qabsaday, iyada oo ciidamada dowladda ay kasoo baxeen meelo kala duwan.

Illaa 3 magaalo oo ku yaala Shabeelada Hoose ayay Alshabaab la wareegeen, waxaana jira magaalooyin ay qarka u saaranyihiin in ay la wareegaan maadaamaa ciidamada dowladda ay isaga baxeen.

Meelahan ay Alshabaab la wareegeen waxaa ka baxay ciidamada AMISOM ee nabad illaalinta iyo kuwa dowladda , waxayna tani dhacaysaa muddo sanad kadib ah markii la hakiyey duulaankii Badweynta Hindiya loogu magacdaray.

Waa ay sahlantahay in AMISOM lagu eedeeyo dhacdooyinkan, hase yeeshee waxan oo dhan waxa ay leeyihiin hal sabab, waxaana mas’uuliyadda qaadanaya dowladda federaalka oo loo igmaday in ay sugto amniga shacabka.

Haddaba waxaa la’is weeydiin karaa su’aasha ah maxay tahay waxyaabaha la gudbood dowladda federaalka si ay oga hortagto halista Alshabaab.

Dadka yaqaana, kuna xeeldheer arrimaha militariga waxa ay qabaan in illaa iyo inta dowladda ay buuxineyso waxa loo yaqaano sedexda caloolood, marka laga hadlayo ereybixinta ciidamada, in aysan ka guuleysan doonin Alshabaab, . Sida uu qabo mid ka mid ah saraakiisha ciidamada oo laakiin magaciisa ka gaabsaday, sida soo socota ayay kala noqonayaan caloolaha ay tahay in ay dowladda buuxiso.

Caloosha Koowaad

Tan waa caloosha aad taqaanaan ee askariga dagaalka ku jira, ee furunta jooga , kaasi oo ay waajib tahay in baahidiisa la haqabtiro.

Waxa uu askariga u baahanyahay mushaar joogto ah si carruurtiisa iyo qoyskiisa ay biil u helaan, waxa uu u baahanyahay cunto sedex xili ah oo dheelitiran si uu u helo tamar uu hawsha qaran ee dhibka badan u qabto, una noqdo askari foogan oo aysan ishiisa libiqsanin.

Laakiin askarta dowladda wax mushaar ah ma aysan qaadanin 4tii bilood ee lasoo dhaafay, markii arrintaasi sababta ay ku dhacday la weeydiiyey wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti waa uu sharixi waayay.

Mudadaasi ciidamada ay mushaar la’aanta ahaayeen , qasnadda dowladda waxaa kusoo xarootey illaa 49 malyuun oo doolar, taasi oo uu wasiirka sheegey in loo isticmaalay qarashaadka xukuumadda ku baxa, balse xildhibaanada baarlamaanka ayaa wasiirka weeydiiyey “Waxa ciidamada ka muhiimsan ee lacagtaasi lagu qarash gareyn lahaa?, taasina kama uusan jawaabin wasiirka.

Warar hoose oo ay Goobjoog heshey waxa ay tibaaxayaan in guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ay diyaariyeen warbixin lid ku noqon karta xukuumadda oo ka hadlaysa xaaladda dhaqaale ee dalka, dakhligii soo xaroodey iyo waliba sidii qaldanayd ee loo isticmaalay.

 

Caloosha Labaad

Caloosha labaad waa tan qoriga iyo qasnadiisa, taasi oo ay tahay in markasta ay buuxdo si cadawga la’is hayo uusan oga hub iyo rasaas badnaanin ciidamada dowladda.

Dagaal kasta oo la galayo waxa ay guusha iyo guul darada inta badan ku xirantahay hadba sida ciidamada dagaalka galaya ay u heystaan hub iyo rasaas, ugana saanad badanyihiin ciidamada kale ee kasoo horjeeda.

Marka ay ugu yartahay waa in uu askariga heystaa illaa 4 qasnadood oo mid kasta ay buuxdo, sidoo kalana uu jiraa keyd hub oo aanan go’in.

Balse taasi ma muuqato hadda, waxaana la sheegayaa in hubka ay ciidamada dowladda heystaan uu aad u yaryihiin, bakhaarada hubka qaarkoodna ay maranyihiin .

Waddamada saaxiibada la ah Soomaaliya oo qaarkood saanad militari siiya dowladda ayuu sidoo kale dhankooda gaabis ka yimid kadib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira in hubkaasi qaarkiis uu u gacangalo Alshabaab.

Waxaa iyana saameyn muuqata leh cunaqabataynta hubka oo xadeyneysa dadaalada ay dowladda hub kusoo iibsanayso.

Caloosha Sedexaad

Waa caloosha salbatooyada ama haanta shidaalka ee gaadiidka ciidamada, waana waxyaabaha ugu muhiimsan dhaqdhaqaaqyada militari.

Haddii gaadiidka ciidamada aysan helin shidaal ah waxaa aad u adkaanaysa in ay wax guul ah ka gaaraan dagaalada.

Gaadiidka waxa lagu daabulaa ciidamada marka furumaha la geynayo, ama lagu kala badalayo, marka dhaawacyada laga daabulayo goobaha dagaalka iyo waliba in gaadiidka loo isticmaalo dagaalka laftiisa maadaamaa hubka lagu dagaalamayo qaarkiis uu ku rakibanyahay.

Ma badna keydka shidaalka ama awoodda ay dowladda u leedahay in ay iibsato shidaal ku filan gaadiidka ciidamada, sidaasi oo ay tahayna inta yar ee la heli karo ayaanan loo maareynin sida saxda ah ee beeqaaminta ay ku jirto. Waxaa la sheegaa in marka ay ciidamada ama saraakiisha qarash beelaan in ay suuqa madoow ku iibsadaan shidaalka.

Goobjoog News