U bood dhigaalka

Xukuumadda oo War Kasoo Saartay Imtixaanaadkii Qaranka

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada kulan ay yeesheen ayaa lagu soo hadal qaaday imtixaanaadkii guud ee qaran ee dugsiyada sare ee ay qabatay wasaaradda waxbarashada markii ugu horeysey muddo 25 sano ah.

Wasiirka waxbarashada oo warbixin siiyey kulankii golaha wasiiradda ee khamiista ayaa sheegey in imtixaanaadka ay noqdeen kuwa guul ku dhamaaday.

Inkasta oo uusan sheegin tirada rasmiga ah ee imtixaanaadka u fariisatay, hadane wasiirka waxa uu ka dhawaajiyey in 11 xarumood Muqdisho loo fariistey imtixaamka, iyo 9 xarumood dalka oo dhan.

Labada gobol ee aanan imtixaamka laga galin ayaa ah gobolada Jubbada Dhexe iyo Bakool sababo la xiriira amni.

Goobjoog News