U bood dhigaalka

DP World: Heshiiska Berbera Muqdisho Waxba Kama Qaban Karto, Xil. Odowaa: Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya waa Lama-taabtaan

Sheeko:Dalka

Wareysi uu Telefishinka Dubai siiyay maareeyaha shirkadda DP World Sultan bin Saliim ayuu ku sheegay in go’aanka dowladda federaalka ah ay uga hortimid heshiiska Berbera aanu khuseyn iyaga, Somaliland-na ay tahay dowlad madax-bannaanayd muddo 28 sano ah oo go’aan leh, isla markaana ay ka jirto dimuqraadiyad, mashruucanna uu ansixiyey Baarlamaanka Somaliland, isaga oo intaasi raaciyay in xukuumadda federaalka ah aaney awoodin in ay  wax ka beddesho, oo ay ka adag yihiin uun hadal, hadalkana aan laga horjoogsan karin.

Sultan bin Saliim waxaa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in mashruucan uu dhaqan-galayo, ayna heshiisna ku yihiin iyaga iyo kuwa ay shurakada yihiin ee Somaliland iyo Itoobiya.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa  oo ka jawaabay hadalkan ayaa sheegay “Midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya waa lamataabtaan, ….waxaannu leennahay looma dulqaadan karo ku xadgudubka midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.”

Mudane Odowaa, waxaa uu intaasi raaciyay “Heshiiskani waxa uu xittaa xadgudub ku yahay maamulka Somaliland oo dekaddii ay maamulayeen ka qaatay saami dhan 31%, intii kalana u ogolaaday dalal shisheeye.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo sii hadlayey waxaa uu xukuumadda u soo jeediyay tallooyin ku saabsan tallaabooyinka ay tahay in la qaado:

1- Waa in loo yeeraa safiirka UAE u fadhiya Soomaaliya lagana waraystaa mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya.

2- Waa in dhammaan heshiisyada DP World ee Soomaaliya la joojiyaa sida kan Berbera iyo Bosaaso (maaddaama aysan oggolaan xukumadda Federaalka ah, barlamaankuna uusan ansixin labada heshiisba).

3. Haddii aysan xukuumaddu qaadin tallaabooyin cad cad oo aan aheyn baaq kaliya, waxaan u qaadanaynaa in ay arrimahan wax ka ogtahay, kumana filla baaq oo kaliya.

Goobjoog News